SAWIRRO:-Dekadda Magaalada Kismaayo Oo Laga Soo Saarayo Maraakiib Hore Ugu Degtay

0

Dekada Magaalada Kismaayo ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa laga bilbaabay soo saarista Maraakiib horey uga degtay Dekadda Magaaladaas.

Wararka aan ka helayo Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta la bilabay howlaha shaqo ee lagu soo saarayo Maraakiibtii hore,iyadoo shaqadaas ay ka qabanayan Injineero isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib.

Sidoo kale Maraakiibta ay Injineerada soo saarayan ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay ilaa 7 Markab,kuwaasi oo dhibaato ay ku qabeen Maraakiibta kusoo xeranaysa dekeda.

Dad ku sugan Magaalada Kismaayo oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Maraakiibtan ay Dekadda Kismaayo ay ku degeen xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa Beesha Caalamka ka socday dhawaan sidii loo soo saari lahaa Maraakiibta ku buburay Dekadda Kismaayo,waxaana arrintaas soo dhaweeyay Ganacsata ay wax ku soo degaan halkaas.