SAWIRO:-Wasiirka Dastuurka oo kulan la qaatay safiirka Midowga Yurub

0

Wasiirka Wasaaradda dastuurka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa uu Magalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb, Nicolas Berlanga.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen arrimo la xiriira Dastuurka,waxaana Wasiirka uu safiirka la wadaagay horumarka laga sameeyay geedi socodka dib-u-eegista dastuurka iyo sidoo kale qorshooyinka lagu dhameystirayo dastuurka Dhamaadka sanadka 2019.

Wasaaradda dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa sanadkaan 2019 laga sugayaa inay ku guuleysato dhameystirka Dasturka dalka oo haatan ay dib u eegis ku socoto.