Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Qaabiley Wiil Baxsad Ka Ahaa Ciidanka Puntland

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Booqasho ku tegay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka Puntland,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Mid kamid ahaa dhalinyaradii Waqooyiga Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhawaan bartiisa Facebook uu ku leeyahay kusoo qoray inuu baxsad ka yahay Ciidanka amniga maamulka Puntland.

Maxamed Cabdullaahi Darwiish oo kamid ahaa dadka deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in baxsad ka yahay Ciidanka Puntland,isla markaana baadi goob ay ugu jiraan,hayeeshee uu isaga soo tegay halkaas.

Intaasi kadib ayuu tegay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug,isagoo ka Cabsi qaba inay xiraan Ciidanka amniga maamulka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa xarunta Madaxtooyadda maamulkaas ku qaabiley Maxamed Cabdullaahi Darwiish oo baxsad ka ahaa Puntland.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka xog waregstay Maxamed Darwiilsh xaaladiisa sida ay tahay,isagoo uga waramay arrinta keentay inuu ka soo tego Waqooyiga Gaalkacyo ee yimado Dhuusamareeb.

Si kastaba dadweyne farbadan oo ku nool Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland ayaa Garoonka cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay RW Kheyre oo dhawaan socdaal kusoo gaaray halkaas.