Odayaasha Cadaado Oo Diiday Ka Qeyb Galka Shirka Dib U Heshiisiinta Galmudug

0

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo Odayaasha dhaqanka Cadaado.

Kulanka u dhexeeyay labada dhinac oo ahaa mid Albaabada u xirnaa ayaa waxaa looga hadlay qodobo kala duwan oo kan ugu weynaa uu ahaa sidii reer Cadaado uga qeyb geli lahaayeen shir-weynaha dib u-heshiisiinta Galmudug,kaasi oo Gogashiisa ay taallo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Odayaasha Cadaado ayaa la sheegay inay gebi ahaan iska diideen ka qeyb galka Shirkaas lagu qaban doono Dhuusamareeb,isla markaana tilmaamay in aysan tegi doonin halkaas.

Sidoo kale Odayaasha ayaa xusay in Magaalada Cadaado ay tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug ayna aheyd in la isugu yimaan si loo dhiso Galmudug mideysan.