Museveni Oo Shaaciyey Inuu Madaxweyne Farmaajo Kula Taliyey Dhismaha Ciiddan Ammaan Oo Xoog Leh

0

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni waxa uu xalay ka shanqariyey xogta Wada-sheekeysi Khaas oo uu la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, isagoo xusay inuu dhigiisa Somalia u muujiyey in dhibaatadda dalkiisa tahay Nidaamyadii  dalka oo burburay.

“Waxaan u sheegay Madaxweynaha Somalia inuu heli Karin Dowlad shaqeysa, haddii aan Nidaamka la abaabulin ama la qorsheynin” ayuu yiri Museveni oo xalay 19 Saraakiil Hawlgab ah ku qaabilay Aqalka Dowladda ee Entebbe.

Madaxweynaha Uganda waxa uu sheegay in dhigiisa Somalia talooyinkaasi siiyey mar ay Kulan La-tashi ku yeesheen magaalladda Kampala.

“Marka hore xasili dalka, siay Dowladda u noqoto mid Deggan, si ay dadka u bilaabaan bixinta Canshuuraha, kadibna waxaad bilaabi kartaa inaad Mushaar siiso Saraakiishaada” ayuu yiri Museveni.

Madaxweynaha Uganda waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay inay Somalia qaado dhabihii uu soo qaaday muddadii shanta sanno ee uu Jabhadaynta u soo galay inuu la wareego Talada dalkiisa.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay  in Ciiddankiisa wax iska caabinta ee NRA  gabaabsi ku ahayd waxyaabaha daruuriga u ah Nolosha, balse ay ka go’nayd inay xoreeyaan Uganda.

Museveni waxa uu xusay inay Somalia raacaan dhabahaasi Naf-hurnimadda ah iyo inaysan Hoggaamiyayaashooda ka walaacinn sidii loo dhimi lahaa Mushaarka Ciiddanka, balse ay diiradda saaraan dhismaha Ciiddanka Ammaanka oo Awood xooggan leh.