DHAGEYSO:-Cabdiraxmaan Baadiyow oo sheegay in la siyaasadeynayo Shirka dib u heshiinta Galmudug

0

Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow gudoomiyaha guddiga dib u heshiinta Galmudug oo Warbaahinta la hadlay waxa uu ka sheekeeyay halka ay wax u marayaan.

Muddo 6-maalmood ah ayuu tilmaamay in guddigooda ay wadeen la kulanka Odoyaasha Beelaha, si ay ugu qanciyaan ka qaybgalka shirka dib u heshiinta Beelaha Galmudug.

5-bisha Soo socota ayay iclaamiyeen in shirkaan uu ka furmayo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Gudoomiye Baadiyow ayaa sheegay in la siyaasadeynayo shirka la isugu geynayo Madax dhaqameedyada Galmudug, waxa uu ku baaqay in ay la kala fogeyn bulshada.

Odoyaasha ay la kulmeen waxa uu sheegay in ay tabashooyin kala duwan qabeen, wax walibana ay ku qanciyeen in ay gogosha soo dhigaan si guud ahaan la iskula arko.

Guddiga dib u heshiinta Galmudug waxaa magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, si ay isugu keenaan Odoyaasha dhaqanka oo ay ugu wada hadlaan waxyaabaha ay kala tabanayaan.