DAAWO:-Waxgaradka Dhahar iyo Aabaha Dhalay Askarigii Puntland u Xukuntay Dilkii Madaxii DP-World oo Si adag u hadlay

0

Waxgaradka iyo Odayaasha magaalada DHAHAR ayaa si adag uga soo Horjeestay    Xukun Dil ah oo Puntland ay ku Riday   oo Maxamuud  Axmed Maxamed  oo kamid ahaa Ciidamada Puntland, Kaasi oo lagu eedeyey inuu Fududeeyay weerar lagu dilay bishii February ee sannadkan maareyihii ajanabiga ahaa ee dekedda Boosaaso,Paul Anthony Formosa.

Odayaasha ayaa sheegay inaysan Jirin wax cadayn ah ama Dambi lagu hayso Maxamuud, Iyadoo  Nin dhallinyaro ah oo hubeysan oo markii dambe dhaawac u geeriyooday uu toogasho ku dilay Paul Anthony Formosa, oo maareye uga ahaa shirkadda DP-World  ee dalka Imaaraadka Carabta  dekedda Boosaaso.