AKHRISO:- Odayaal iska diiwaangeliyay xarumaha Al-Shabaab oo laga bedelay dharkii ay xirnaayeen

0

Qaar ka mid ah oday dhaqameedyada iyo ergada soo xulay xildhibaanada baarlamaanka heer federal iyo heer dowlad goboleed ayaa gaaray deegaanada ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab kadib markii Al-Shabaab ay amreen inay isa soo diiwaangeliyaan.

Oday dhaqameedyada iyo ergada gaartay xarumaha Al-Shabaab ayaa la sheegay in laga bedelay dharkii ay xirnaayeen loona bilaabay waxbarasho diini ah.

Tirada oday dhaqameedyada iyo ergadan oo lagu shaaciyay bayaan ka soo baxay ururka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay gaarayaan illaa 159 ruux. Raggaas ayaa la sheegay inay ka tageen Maamul goboleedyada Hirshabelle,Galmudug,Jubbaland iyo Koofurgalbeed balse ma tegin deegaanada Al-Shabaab ka arrimiyaan oday dhaqameedyo ka socda Puntland sida lagu sheegay bayaanka.

Al Shabaab ayaa muddo 45-cisho ah u qabatay in ay cafis ku dalbadaan Odayaasha Xildhibaanada soo xulay iyo ergada dooratay, waxa ayna Al Shabaab ku hanjabeen in talaabo ka qaadayaan cidii amarkooda qaadan.

Ururka Al-Shabaab ayaa hore ugu diley deegaano badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya oday dhaqameedyo iyo xubno ka mid ah ergada dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federalka.