AKHRISO:- Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug oo gaaray Cadaado

0

Magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa gaaray Xubnaha Guddiga qaban qaabashada shirka dib u heshiinsiinta beelaha dega Deegaanada Galmudug,kuwaas oo dhawaan ay Magacaawday Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Cadaado iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,waxana la filayaa in ay Caawa la kulmaan Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada Magalada Cadaado.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan Arimo la xiriira shirka dib u heshiinsiinta deegaannada Galmudug iyo sidii reer Cadaado ugu qeyb gali lahayeen gogosha dib u heshiinsiinta ee taalla Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Warar saacadihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in Odayaasha Dhaqanka Magalada Cadaado ay ku kala qeybsameen in Guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug lagu soo dhaweeyo magaalada Cadaado.