17 Qof oo ku dhimatay shil Diyaaradeed oo ka dhacay Dalka Pakistaan

0

17 Qof ayaa geeriyootay markii Diyaarad yar oo nooca Millateriga ah ay Maanta oo Talaada ah ku dhacday meel ku dhow Magaalada, Rawalpindi, ee Dalka Pakistan, sida ay mas’uuliyiintu u sheegeen Wakaaladda Wararka  AFP.

Afayeen u hadlay hay’adda badbaadada maxalliga oo lagu Magacaabo , Farooq Butt, ayaa sheegay in ay heleen 17 mayd ah, oo 12 ka mid ihina ay yihiin Dad Rayid ah, halka dhaawacuna uu ku sheegay 12 Qof, kuwaas oo la geeyay xarumaha Caafimaadka.

Qeybta warfaafinta Millateriga Pakistaan ayaa sheegtay in Diyaaraddu ay ku jirtay howlo tababar ah markii u shilku dhacayay, iyagoo intaasi ku daray in ay Saraakiisha badbaadada demiyeen Debka , Dadka dhaawacmayna ay u qaadeen Isbitaallada.