Wasaaradda Deegaanka Puntland oo Aqoon kororsi u samaysay Bulshada degmooyinka Burtinle & Xarfo

0

Wasaarada Deegaanka Puntland oo Aqoon korarsi ku saabsan maaraynta arimaha Deegaanka u kaxaysay qaar kamid ah bulshada Xarfo Iyo Burtinle.

Wafti uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL mudane, Maxamed Xassan Ciise ayna kamidyihiin saraakiil ka tirsan Wasaaradda,  odayaasha, waxgaradka, dhalinyarada iyo qaybo kaladuwan oo kamid ah bulshooyinka kunool deegaamada Jalam iyo Xarfo ayaa booqday degmooyinka Eyl, Dhahar iyo Iskushuban kuwaas oo mudo asbuuc ah kulamo la qaadanayey qaybaha kaladuwan ee bulshada.

Waftigan ayaa ujeedadoodu ahayd in bulshooyinka deegmooyinka Jalam iyo Xarfo ay ka faa’iidaystaan hababka ay bulshooyinka ku nool deegaamada hoostaga Eyl, Iskushuban iyo Dhahar ay u maamusheen arimaha Deegaanka, uga hortageen xaalalufka deegaanka, u ilaaliyeen dhirta, Duurjoogta iyo  xirmaysiga ku salaysan dhaqaalaysiga dhulka xiliga barwaaqada ah kuwaas oo la xirmooyo meelo ay kamid tahay Dooxada Dharoor oo katirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari.

Booqashadani intii ay socotay waxay bulshada deegaanada kaladuwani is-dhaafsadeen waayo-aragnimo ku saabsan habka loo maamulo dhulka iyo dhibaatooyin horey uga jiray deegaamada qaarkood oo imika lagu guulaystay in laga gudbo.

Qaybihii kaladuwanaa ee ka koobnaa waftigii ay wasaaradda deegaanku u kaxaysay aqoon iswaydaarsigaas ayaa gabagabadii safarkooda sheegay in ay waxbadan kasoo korarsadeen bulshooyinkii ay booqdeen islamarkaasna aqoontii ay ka korarsadeen meelihii ay booqdeen ay dib ugula laaban doonaan deegaamadii ay ka kalayimaadeen islamarkaasna ay ka fulin doonaan.