AKHRISO:- Sacudi Carabiya oo ka mamnuucday xajka sanadkan dadka ka imanaya dalka Congo

0

War ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa lagu sheegay in dadka xujayda ee ka imaanaya dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo la joojiyay oo aan la siin doonin dalkugal ama viso.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Hay’ada Caafimaadka Adduunka ay ku tilmaantay dalka Congo oo uu ka jiro cudurka Ebola meel xaalad caafimaad oo halis ah ay ka jirto.

“Dalku galka la siiyo qofka marka uu ka yimaado dalka DR Congo waa la joojiyay si loo ilaaliyo wanaagga dadka xajinaya,”ayay tiri wasaarada Arrimaha Dibbada Sacudi Carabiya.

Sacudi Carabiya ayaa hore u sheegtay in illaa 410 ruux oo ku nool dalka ku yaal bartamaha Afrika ay ka qeybqaadanayaan sanadkan gudashada waajibaadka xajka,sida laga soo xigtey Imam Djuma Twaha oo ah hogaamiye Muslim ah kana soo jeeda dalka Congo.

“Waxaa jira dad sanado badan urursanayay lacag ay ku xajiyaan taasoo gaareyso $4,250 (£3,400).”ayuu yiri Djuma.

WHO ayaa ku dhowaaqday xaalad caafimaad oo deg-deg ah inay ka jirto Congo horaantii bishan balse waxa ay ku baaqday in dalal caalamka aysan ka mamnuucin shacabka wadankaas ganacsi iyo safarba.