AKHRISO:- Sirdoonka Israel Iyo Uganda Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Ganacsade Ahaa

0

Koox ka socotay Sirdoonka labadaasi waddan waxay bishan July 7-dii qaadeen Hawlgal wadajir ah, kaasi oo ay ku qabteen Muwaadin u dhashay dalka Lubnaan oo xilligaasi ka soo degay Garoonka Diyaraadaha Caalamiga ee Entebbe ee dalka Uganda.

Faahfaahinta Hawlgalkaasi iyo qabashadda ninkaasi ayaa wax yar laga ogaa, balse, Shabakadda Wararka ee Kampala Post ayaa sheegtay inay heleen warar Sirdoon oo laga argagaxo, iyadoo ay markii ugu horreysay Hay’addaha Ammaanka ogaadeen qorshe Argagixiso.

Muwaadinka Lubnaan ee haatan baaritaanka lagu hayo ayaa waxaa markii ugu horreysay la shaaciyey in lagu magacaabo Xuseen Maxamuud Yaasine, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ahaa Sirdoon ka tirsan Ururka Xisbullaahi Lubnaan,

Ninkaasi waxaa uu ku noolaa, kana shaqeysanayey dalka Uganda tan iyo sannadkii 2010-kii.

Xubno ka socday Sidoonka Gudaha Israel ee MOSSAD ayaana la sheegay inay Ninkaasi kala soo degeen Diyaarad duullimaadkeedu ahaa dalka Lubnaan, balse ku sii hakan lahayd Garoonka magaalladda Addis Abeba ee dalka Ethiopia.

Qabashadiisa ayaana ku soo beegantay saacado kadib, markii uu dib ugu soo laabtay Garoonka Entebbe, isagoo ka yimid caasimadda dalka Tanzania ee Darasalaam.