AKHRISO:- Muwaadin U Dhashay Eritrea Oo Lagu Dhaawacay Jarmalka

0

Ninkaasi ayaa la sheegay in si xun loogu dhaawacay Galbeedka Jarmalka, iyadoo Eedeysanihii falkaasi geystay oo u muuqday inuu ka mid ahaa dadka Shisheyaha neceb uu isna is-dhaawacay saacado kadib.

Afhayeenka Dacwad-oogayaasha magaalladda Frankfurt, Aleskandar Badle waxa uu tilmaamay in Ninka Eritrean-ka caloosha laga dhaawacay xilli uu ku sugnaa meel ku dhow Deegaanka Wershadaha leh ee Waechsterbach.

Waxa uu intaasi ku daray in Dhibanaha la dhigay Isbitaalka, laguna sameeyey Qaliin, iyadoo aysan noloshiisa khatar ku jirin.

Dhinaca kale, Eedeysanaha oo ahaa 55 jir u dhashay Jarmalka ayaa laga dhex galay gaarigiisa, isagoo madaxa iska toogtay.