TOP NEWS:-Taliyaha ciidamada Kenya oo Booqasho Qarsoodi ah ku tagey Kismaayo

0

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Kenya General Walter Raria ayaa dhawaan booqasho aan la shaacin  ku yimid gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale taliyaha ayaa booqday xarumo Milatari oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in jeedka safarka taliyaha uu ahaa mid dhiirogelin ah, islamarkaana uu waayo-aragnimadiisa la wadaagayey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Warkan laguma shaacin goorta uu taliye Walter Raria yimid gudaha Soomaaliya.

Booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan la filayo in doorashada guud ee Jubbaland ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kenya ayaa la sheegayaa inuu xiriir dhow kala dhexeeyo maamulka Axmed Madoobe oo hadda wajahaya culeys uga imaanayo dowladda Soomaaliya.