Maamulka Gedo oo Odayaasha uga digay in ay tagaan meelaha ay ka taliyaan Al-shabaab

0

Maamulka Gobolka Gedo ayaa Odayaasha dhaqanka ee Gobolkaas uga digay in ay ka jawaabaan go’aankii dhawaan ka soo baxay AL-shabaab ee Odayaasha loogu qabtay 45ka Cisho.

Taliyaha amniga Garbahaarreey C/Xakiin Maxamed Cumar ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka aysan tagi karin meelaha ay ka taliyaan AL-shabaab.

Waxaa uu sheegay in Odayaasha taga goobaha ay ku suganyihiin Al-shabaab lala xisaabtamayo.

Waxaa uu uga digay in Odayaasha dhaqanka ay qaataan amarkii Al-shabaab ay soo saareen 15kii Bishan kaas oo Odayaashii soo xulay Golaha shacabka Soomaaliya ku amrayay in ay tagaan goobaha ay ka taliyaan Al-shabaab iskana diiwaangeliyaan.

Al-shabaab ayaa sheegay in Odayaasha ay heystaan ilaa 1da Bisha sagaalaad ee sanadkan wixii intaas ka dambeeyana odaygii aan qaadan amarka Al-shabaab ay tallaabo ka qaadayaan sida ay hadalka u dhigeen.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in go’aankooda ay ogtahay Dowladda Federaalka ah, Maamulkooda iiyo ilaa heer degmo.