Guddoomiye Najax” Dhallinyaro gaareysa 400 ayaan tababar Boolis uga furnay Gobolka Shabeellaha hoose

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), ayaa sheegay in uu tababar uga furmay Gobolka Dhallinyaro gaareysa 400, kuwaas oo qeyb ka noqon doona Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si loo xoojiyo amniga.

Mudane; Najax, oo u warramayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in Ciidankani  la tababarayo uu muhiim  u yahay  ammaanka Gobalka, kuwaas oo ka howl geli doona degaannadii laga xoreeyay Argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiye, Najax, ayaa Dhallinyaradani ku baraarujiyay in ay ku dhiirradaan sidii ay uga qeyb noqon lahaayeen ilaalinta Nafta Dadkooda, una gudan lahaayeen waajibaadka saaran.

Ibraahim Aaden Cali (Najax), ayaa ugu dambeyn ku tilmaamay Ciidankan, kuwii ugu horreeyay ee abid Gobalka uu yeesho, isagoo sheegay in meel kasta oo laga xoreeyo Al-Shabaab ay geyn doonaan Ciidan Boolis ah oo Xaqiijiya amniga degaanadaasi laga saaray Argagixisada, kuwaas oo ka hortagi doona falalka gurrucan ee ay Malleeshiyada nabad-diidka ah ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa haatan wada dedaalladii ugu dambeeyay ee halkaasi looga xoreynayo Argagixisada , isagoo kaashanaya Shacabka iyo qeybaha kala duwan ee Ciidamada, iyadoo dhinaca kalena ay socdaan duqeymo joogta ah oo ka dhan ah Malleeshiyada uu Gabbalkoodu dhacay ee Al-Shabaab.