Ciidamo La Wareegay Amniga Degaanka Xaraale

0

Ciidamo taabacsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Xoogagan ayaa kamid ah kuwa ay dhowaan xukuumadda federaalka ah u qarameysay dowlad goboleedka Galmudug.

Saraakiisha horkaceysay ciidankaasi ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonan nabad-gelyadda tuuladaasi muhiimka ah.

Dowladda Fedeaalka Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ay bilaabeyso howlgalo lagu xoreynayo degaanka ay Galmudug ka haysato Al-Shabaab.