SAWIRRO:-Talyaaniga Oo Gacanta Ku Dhigay Hub Ay Ku Jiraan Gantaalladda Lidka Diyaaradaha

0

Boliska Talyaaniga ayaa sheegay inay baaritaano ku heleen  Gantaalladda Lidka Diyaaradaha, Boobayaasha Fudud iyo Qalabka laga tuuro Gantaalladda.

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in hubkaasi la soo qabtay, xilli baaritaan lagu hayey Kooxaha Xag-jirka Naasiyiinta cusub ee Midigta Fog ee deggan magaalladda Turin ee dalkaasi, iyadoo  hubkaasi laga helay Murashax ka tirsan Xisbiga Fashiistaha ee Forza Nuova Party.

Hubka la soo qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa Qoriga Boobaha ee lagu magacaabo Scorpion, 306 qoryaha fudud, , 20 Baynaat iyo 800 xabbo ee rasaas kala duwan.

Waxaa kaloo la qabtay Gantaalladda  Mantra Super 530 F Missiles ee lagu farsameeyo dalka Faransiiska, balse ay lahaayeen Ciiddanka dalka Qatar  iyo qoryaha darandooriga u dhaca oo casri ah (The latest generation automatic assault rifles”.

Waxaa kaloo Hawlgalkaasi lagu soo qabtay Gantaalka Lidka diyaaradaha oo ay Ciiddanka dalka Qatar lahaayeen, iyadoo hubka la qabtay dhamaantooda asal ahaan lagu soo farsameeyey dalalka Maraykanka, Jarmalka iyo Awstariya.

Dhinaca kale, Boliska Talyaaaniga waxay sheegeen inay soo xireen 3 Eedeysane  oo kala ahaa: Muwaadin u dhashay dalka Switzerland oo lagu  magacaabo Michele Aloise Monti oo 42-jir ah  iyo Nin Talyaani oo lagu magacaabo Michele Aloise Monti oo 51-jir iyo Fabio Del Bergiolo oo 60-jir ah, horeyna u ahaa Sarkaal ka tirsan Qeybta Canshuuraha Talyaaniga, xubinna ka ah Xisbiga Midigta Fog ee Forza Nuova Party.

Xiritaanka Eedeysanayaashaasi waxa uu  qeyb ka ahaa Hawlgalka Boliska Talyaaniga ee ka dhanka ah Xag-jirayaasha Dagaalka ee loo yaqaano inay ku biireen Maleeshiyadda taageersanm Raashiya ee ka dagaalama gudaha dalka Yukrayn.

Hadal-qoraal oo ay Kooxda Xag-jirka ee Xisbiga Cusub ee  Forza Nuova Party shalay soo saareen waxay iska fogeeyeen inay Eedeysanayaasha la soo qabtay iyo Murashixii hore ka tirsan yihiin Xisbigooda.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Midigta Fog ee Arrimaha Gudaha ee dalka Talyaaniga, Matiyo Salivini kama uusan hadlin Hawlgalka lagu soo qbtay Hubka iyo xubnaha ka tirsan Xisbiga Cusub ee  Forza Nuova Party ee ka midka ah  Xisbiyadda Midigta Fog ee Talyaaniga.