Itoobiya oo Wax Kabadalaysa Bayaan Sharciyeedka Maamulka Dhulka

0

Xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha JDFI ayaa soowada sharci cusub oo kor loogu qaadayo xuquuqda dadka dhulkooda dawladu kala wareegto. Kaasoo deegaanada kuqasbaya inay magdhaw siiyaan dadka dhulkooda lala wareego.

Dastuurka itoobiya ayaan guudahaanba wax mulkiyad dhul ah siinin cid kabaxsan dawlada waxayna arintaasi sababtaa in dawladu goobtii ay ubaahato ay goorwalba kasaari karto ama kakicinkarto qofkii halkaasi daganaa ama beeranayay.

Sharcigan cusub ayaan waxba kabadalaynin arinta lahaanshaha mulkiyada dhulka wuxuuse kor uqaadayaa xuquuqda ay helaan dadka dhulka lagala wareego.

Tusaale ahaan hada kohor waxaa jirtay in marka dawladu ubaahato inay dhul ula wareegto arimo horumar laxidhiidha waxaa mulkiilaha lasiinjiray qiimaha hantida goobta kadhusan iyo faaiidada 5 sano oo 10 lagu dhuftay, iyadoon dhulka wax qiima ah loo xisaabin maadaama dhulka dawladu leedahay. Waxaana intaasi dheer in mudo 30 maalmood ah ay dawladu siiso guri ama hanti udhiganta oo uu kunoolaado qofka dhulka lagala wareegay.

Sharcigan cusub ayaa silamida kiihore aan wax qiimo ah siinaynin dhulka balse kor uqaadaya xaqa qofka muwaadinka ah lasiinayo taasoo noqonaysa, qiimo go,an oo hantida ah, 3 oo faaiido ah oo 15 sano lagu dhufanayo.

Sharcigan cusub ayaa hirgalidoona sanadka cusub ee tirsiga itoobiya.