Maamulka KGS oo Diyaarinayo 400 askari oo Ka Howlgala Muqdisho & Baydhabo

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), oo Magaaladda Baydhabo kaga qeyb galay kulan su’alo lagu weydiinayay ayaa sheegay in maamulka uu diyaarinayo ciidamo la geyn doono wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Waxa uu sheegay Lafta Gareen in la diyaariyay 400-askari,islamarkaana la dhameystiray gaadiidka ay ku holwgali lahaayeen Ciidankaasi kuwaasi oo yaala Magaalada Baydhabo.

“240 KM ee Baydhabo iyo Xamar isku jira oo iyadana la soo gaba gabeeyay gaadiidkii iyo qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen Ciidankaasi, Ciidankaasi sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loo xareynayaa Bishan gudaheeda ayaa la diyaarinayaa Wasiirada ayaa gacanta ku haayo, Saldhigyo kala duwan ayeey dagi doonaan Leego, Wanlaweyn Iyo wadada dhan.” ayuu yiri Madaxweynaha Lafta Gareen.

Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo,waxaa ka jira amnidarowaxaana inta badan weeraro ka fuliya dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab.