AKHRISO:- Waddan carbeed oo haweenkiisa u fasaxay inay guursadaan ragga aan muslimiinta ahayn

0

Xukuumadda Tunisiya ayaa ku dhawaaqday in ay baddashay xeerka islaamiga ah ee haweenka muslimiinta ah ka mamnuucaya inay guursadaan ragga aan muslimiinta ahayn.

Maxweynaha dalkaas Beji Caid Essebsi ayaa ku dhawaaqday arrintan waxayna dumarka ugu hambalyeysay helitaanka “xorriyadda ku saabsan in qof walba uu guursado qofkii dookhiisa ah”.

Ilaa hadda, nin walba oo aan muslim ahayn haddii uu damco inuu guursado haweeney reer Tunisia ah oo muslimad ah, wuxuu ku khasbanaan jiray inuu soo islaamo, islamarkaana uu soo bandhigo shahaado caddeyn u ah inuu diinta islaamka qaatay.

Dalka Tunisia oo 99% muslim ah ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay dalalka carabta ee horumarka ugu weyn ka gaaray ilaalinta xuquuqda haweenka.

Isbaddalka cusub ee lagu sameeyay sharciga ayaa yimid kaddib markii uu madaxweyne Essebsi ku dadaalay in meesha laga saaro xeerka xaddidaya guurka haweenka muslimiinta ah ee waddankaas, kaasoo la meel mariyay sanadkii 1973-kii.