DHAGEYSO+SAWIRRO:-Xubno Al-Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho.

0

Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayaa sheegtay inay gacanta ku soo dhigeen labo nin oo ay ku sheegeen iney ka tirsan yihiin dagaalamayaasha  Al-Shabaab,

Sidoo kale waxey soo bandhigeen  hub ay wateen raggan ka tirsanaa dagaalamayaasha alshabaab ee ay gacanta kusoo dhigeen.

Qoraal lagu daabacay Twitter-ka NISA, ayaa lagu sheegay in xubnaha la soo qabtay ay damacsanaayeen iney dil u geystaan dad Shacab ah, balse laamaha amaanka ay gacanta ku dhiggeen kahor inta aysan toogashada geysan.

“Hawgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo  maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale  ka ah shirkad ganacsi” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.