DAAWO:-Khilaafkii u Dhaxeeyey Maamulka Hiiraan iyo Guddoomiyaha oo La dhameeyey

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne, ayaa sheegaya in xal kama danbeys ah laga gaaray murankii ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Sida wararku sheegayaan, waxaa xalay la isu geeyay Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale iyo ninka diidanaa inuu xilka wareejiyo Yuusuf Dabageed, iyadoo halkaasi lagu kala saxiixday heshiis wada shaqeyn ah.