DFS Oo Beenisay In Itoobiya Ay Dhex-Dhexaadinayso Kenya Iyo Somalia

0

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawod ayaa sheegay in ay yihii been abuur wararka sheegay in Itoobiya ay wada hadalsiinayso Soomaaliya iyo Kenya isla markaana ay kulmayaan madaxweynayaasha labada dal.

Warbaahinta Kenya ayaa maalmahaan si weyn uga hadlayay arrinta ku aaddan sheegashada badda Soomaaliya ee Kenya ay sheeganayo in ay wadahadal ka gelayaan labada dal kulan gaar ahna ay Itoobiya ku yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuuru Kenyaatta.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa ku eedeyay warbahinta Soomaalida in ay markasta dhiira-gelinayaan wararka been abuurka ah ee ay qorayaan warbaahinada Kenya,isaga oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan gor-gortan ka gelayn baddeeda.