DAAWO:-Raysal Wasaare Kheyre khudbadii uu ka jeediyay qeybta waqooyi ee Galkacyo

0

Bulshada ku nool dhanka waqooyi ee degmada Gaalkacyo ayaa shalay galinkii danbe garoonka kubbadda cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo galabta socdaal kusoo gaaray dhanka waqooyi ee magaalada.

Garoonka Cawaale oo loogu magac daray halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad u badan dhallinyaro xamaasadeysan oo isu abaabulay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kuna dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan dowlad jaceylka ay qabaan iyo sida ay ugu faraxsanyihiin socdaalka wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo.