AMISOM iyo Mareykanka oo dhoolatus ku sameynaya Itoobiya

0

Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis Ciidamo ka kala socda Mareykanka iyo howlgalka AMISOM ku sameynayaan dhoolatus Milatari.

Dhoolatuskan oo dhacaya inta u dhaxeysa 15ka ilaa 31ka Bishan July ayaa waxaa ka qeybqaadanaya ilaa 1,100 Askari oo ka kala socda Mareykanka, Itoobiya iyo Waddamada ku jira howlgalka AMISOM.

Dhoolatuska ayaa xoogga lagu saarayaa tababarka Ciidamada dhulka, saraakiisha maamula xarumaha Ciidamada iyo qodobo kale oo howlgallada Ciidamada la xiriira.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah habka adeeg caafimaad loogu diyaarinayo askarta ku jira Howlgallada AMISOM iyo kuwa kale ee Qaaradda Afrika.

Dhoolatuska noocan ah ayaa sanadkii 2017kii waxaa sameeyay Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Dowladda Mareykanka ayaa bixineysa lacag ku dhow $6Milyan oo doollarka Mareykanka ah si loogu daro dhaqaalaha dowladda Itoobiya dhoolatuskan dartiis ayeyna ku bixineysaa Dowladda Mareykanka.