Akhriso:-Dagaal ka socda Dhoob iyo Ceerigaabo , Gaadiid la gubay iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

Dhawaaqa Rasaasta ayaa laga maqlayaa magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag Iyadoona ay Halkaasi ka taagan tahay Xiisad dagaal oo Culus.

Dhinaca kale, dagaal Qadhaar a yaa ka socda deegaanka Dhoob ee bariga degmada Ceerigaabo, kaasi oo u dhaxeeya Ciidanka Somaliland iyo Korneyl Caarre.

Waxaa la sheegay in Ciidamada Somaliland ay Labada Gaadhi ayaa ka gubeen Ciidamo taageersan Kornayl Caarre, Sidoo kale waxaa la sheegay inay halkaasi ku dhinteen  ciidamo  aan la xaqiijin Weli Tiradooda.

Magaalada ayaa siwayn looga dareemayaa Xaalada Dagaal, waxaana  Sidoo kale shacabku ay taayiro ku gubayaan waddooyinka qaar ee magaaladaasi.