Guddoomiye Yariisoow oo Shacabka ku ammaanay la shaqaynta Ciidanka ammaanka

0

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Injireer; C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow), oo Xalay guddoomiyay Shirka amniga Caasimadda ayaa sheegay in is beddel weyn lagu sameeyay sugidda nabad gelyada Saddex Bil iyo 10 Cisho ka hor, aadna looga dareemay ammaanka Gobolka Banaadir inta uu shaqeynayay qorshahaas

Wuxuuna sheegay in ay laamaha ammaanku fashiliyeen qarax iyo isku day weerar, taasina ay marqaati ka tahay in Ciidamada geesiyaasha ay u heellan yihiin difaaca Dalkooda, isagoo sidoo kale ku ammaanay Shacabka Soomaaliyeed feejignta weyn ee ay muujiyeen.

Wuxuu sheegay in ay maamulka Gobolka, Degmooyinka, hay’adaha ammaanka iyo Shacabkuba isku xireen, taas oo sababtay in ay Habeen kasta qabtaan Shir looga hadlaya ammaanka Caasimadda iyo halka uu marayo.

Mas’uuliyiinta ayuu faray in ilaaladooda ay qaataan lebiska lagu yaqaan, wuxuuna sidoo kale digniin u diray Askarta Millitariga ah ee Tuutaha ku mara dariiqyada , isagoo u soo jeediyay in ay isu sheegaan Ciidanka ammaanka ee Waddooyinka ka howl gala, si aysan ugu soo dhex dhuuman Argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa Dadka leh Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ugu baaqay in ay samaystaan aqoonsiyo, is diiwaan geliyaa, bixiyaan canshuuraha ku waajibay, noqdaan muwaadin dhab ah oo Soomaaliyeed, haddii ay iska iibinayaanna ay ka beddelaan Magacooda, haddii kale ay ciqaabteeda dusha u ridan doonaan.

Wuxuuna Guddoomiyuhu faray Shacabka in ay Ummadda Soomaaliyeed leedahay Hal cadow oo ah Al-Shabaab, meel qurana ay ugu soo wada jeestaan, isagoo ku ammaanay Dad weynaha Muqdisho sida ay Habeen iyo Maalin u Garab taagan yihiin Ciidanka amniga.