AKHRISO:- Golaha Milliteriga Dalka Suudaan Oo La Kala Diri Doono

0

Madaxa Golahaasi, Jeneral C/fataax Burhaani ayaa sheegay in Golaha la kala diri doono isla marka la dhiso Maamulka cusub ee Awood-qeybsiga ee maamuli doona dalkaasi.

Jeneral Burhani oo ka hadlay Telefishinak Qaranka ayaa sheegay inay suurtogal tahay inay Golaaha Milliteriga ka baxaan Dowladda cusub, marka ay dhamaystaan xilli hoggaamintooda 21-ka bilood ee ay majaraha u qaban doonaan dowladda cusub.

Golaha Milliteriga iyo Hoggaamiyayaasha Mucaaradka waxay isbuucii hore ku heshiiyeen inay Awoodda qeybssadaan iyo dhismaha Dowladda awoodda sii hayn doonta saddexda sanno ee soo socota, ka hor inta aan la qabanqaabin Doorashadda Madaxtinimadda iyo Barlamaanka ee dalkaasi.