Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon Oo Xukun Lagu Riday

0

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ee Maamulka Soomaaliland ayaa saakay xukun ku diray Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo kamid ah Wariyeyaasha ugu Caansan deegaanada maamulkaas.

Wariye Cabdimaalik ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu Af lagaadeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi  Cabdi iyo Dugsiga Abaarso oo ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa Wariye Coldoon ku xukuntay Saddex Sano iyo Lix bilood oo xarig ah,kadib markii loo soo jeediyay eedeeymahaas.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa dhowr jeer oo horey ayaa waxaa la soo taagay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ee Maamulka Soomaaliland,waxaana saakay xukun ay ku riday Wariyaha.