Toos Gaalkacyo: Munaasabadda Soo Dhawaynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruha hoggaaminayo ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay xildhibaanno mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Magalada Gaalkacyo waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Odayaasha & waxgaradka magaaladaas, isaga oo kala hadli doona tabashada ay qabaan iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa sii xoojiyay dadaalada uu ku doonayo inuu ku qarameeyo ciidamada maleeshiyo beeleed ah oo haysta hub faro badan kuwaasoo ku sugan gobolada dhexe ee dalka.