SAWIRRO:-Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda

0

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran ee Muwaadiniinta (National ID) iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda.

Kooxda Barnaamijka Kaararka Aqoonsiga Qaran ayaa uga warbixiyey Agaasimaha wixii uga qabsoomay barnaamijkan muddadii la soo dhaafay iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha dowladda ee qaybta ka ah qorshaha sameynta Kaararka Aqoonsiga Qaran.

Dr. Nuur Diiriye Xirsi oo tilmaamay muhiimadda uu barnamijkani u leeyahay ganacsiga, amniga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa ku adkeeyey khabiirradan Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya barnaamijka in ay si dhaw ugala shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee Xukuumadda.

Dhanka kale, khubarada Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda ayaa la wadaagay Agaasimaha muhiimadda Barnaamijka Aqoonsiga Qaran uu u leeyahay dagaalka maaliyadeed ee ka dhanka ah argagixisada iyo in laga dabargooyo ilaha dhaqaale ee maalgaliya falalka arxan darrada ah ee ay ku beegsadaan shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa kula dardaarmay hawlwadeennada xaruntan in ay darargeliyaan shaqadooda, maadaama ay kaalin ka qaadan karaan qorshaha Dowladda ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo sumcad soo celinta dhaqaalaha dalka.