NISA Oo Ka Hadashay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

0

Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa war ka soo saaray qaraxii Maanta ka dhacay Isgoyska Digfeer ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Warka NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka amniga dowladda ay ka horteegeen qaraxaas,isla markaana Ciidamada ay ku fashiliyeen degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

“Ciidanka Amniga ayaa fashiliyay Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, Cidana waxba kuma noqon,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho,hayeeshee waxaa inta badan sheegtay qaraxyada ka dhacay Magaalada Al-shabaab.