Guddoomiye Mursal oo ku wajahan Xudur

0

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu u amba boxo gobolka Bokool,halkaasi oo uu kula kulmidoono mas’uuliyiin iyo bulshada deegaanka.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka soconaysa magaaladaasi Xudur,amaanka ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana soo dhaweynta ka qeyb qaadanaya maamulka gobolka Bokool,kan degmada iyo qeybaha bulshada,sida uu ku soo waramayo wariyaha warbaahinta Qaranka Maxamed Xasan C/raxmaan.

Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana la filayaa in halkaasi uu ka dhoco kulan looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin sidii loo furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Alshabaab iyo qorshayaal ku aadan dib u dejin loo sameeyo dadkii deegaanadoodi ay ka soo barakiciyeen koxda Shabaab.