Gaari ku qarxay agagaarka isgoyska Digfeer ee magaalada Muqdisho

0

Gaari laga soo buuxiyay waxyaalaha qarxa ayaa ku qarxay bar koontarool oo ku taal meel ku dhow isgoyska Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamo ku sugnaa meel ku dhow isgoyska ay ka shakiyeen gaariga kuna amreen labo ruux oo saarnaa inay soo degaan ayna ku amreen dadkii ka agdhowaa goobta inay ka fogaadaan.

Gaariga ayaa la sheegay inuu qarxay iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxan.