Faahfaahino ka soo baxaya qarax ka dhacay Degmada Hodan

0

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Hodan ayaa sheegaya in qarax gaari uu maanta ka dhacay agagaarka Shineemo Nasri oo u dhow Isgoyska Digfeer ee degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Gaariga ayaa la sheegay in saakay ay ka shakiyeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kadib markii uu soo galay wado Ciidamada ay dhowr bilood ka hor xireen,isla markaana ay dhigeen Carro farabadan.

Gaariga oo noociisa ahaa Prado ayaa waxaa ku jiray sida ay goobjoogayaal u sheegeen Idaacadda Kulmiye labo Nin oo doonayay in ay ka bootiyaan goob ay ciidanka ku xireen caro fara badan, hayeeshee ay Ciidamada isgoyska ku sugan ka hor istaageen.

Sidoo kale Wararka qaar ayaa sheegaya in labo Nin oo la sheegay in ay Gaariga ku jireen ay diideen in ay ka degaan Gaariga.