EGAD oo bogaadisay heshiiska Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu-Sunna

0

Xoghayaha guud ee urur goboleedka  IGAD Mr.Maxbuub ayaa sheegay in IGAD ay boggaadineyso heshiiskaasi ay magaalada Dhuusamareeb ku kala saxiixdeen labada dhinac.sidoo kale waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in Ahlu-Sunna ay oggolaatay in ciidamadeeda ay ku biiriso kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed. ay sheegay inay inay bogaadinayaan heshiiskaasi ay magaalada Dhuusamareeb ku kala saxiixdeen dowladda Soomaliya iyo Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca ,sidoo kale waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in Ahlu-Sunna ay oggolaatay in ciidamadeeda ay ku biiraan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waan soo dhaweyneynaa howlaha ka socda dowlad goboleedka Galmudug iyo ku biiristii ciidamada Ahlu-Sunna ee ciidamada dowladda Soomaaliya,waana garabtaagan nahay,waxaana ugu baaqayaa dadka ku nool deegaanada Galmudug inay halkaasi ka sii wadaan howlaha dib u heshiisiinta ah, si guulo waa weyn loo gaaro” ayuu yiri Maxbuub Macalin oo ah Xoghayaha guud ee EGAD.

Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in tallaabadan ay dowladda dhexe u suurta galinayso in ay la wareegto guud ahaan amniga dalka, iyo in si buuxda qaybaha ay dalka kaga hareen looga xoreeyo kooxaha nabad diidka ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan si rasmi ah Ahlu-Sunna ugala wareegay ciidamaddii hoostagayay, si loogu biiriyo kuwa dowladda.

Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida ayaa diiwaan gelin ku bilaabay ciidamadaasi. arrintan ayaa qayb ka ah guulo ay dowladda federaalka ka gaartay Khilaafaadkii ka jiray maamulka Galmudug oo dhawaan galaya doorasho.