Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ku dhow degmada Ceel Afweyn

0

Ugu yaraan lix ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen tiro kalana ay ku dhaawacmeen dagaal gelinkii dambe ku dhex maray labo maleeshiyo beeleed deegaan ku dhow degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dagaalka oo mudda saacado ah socday ayaa iskiis u istaagay iyadoo aan la ogeyn sababata dhabta ah ee keentay dagaalka.

Ciidamo ka tirsan Somaliland ayaa la sheegay in ay ku baxeen degaanka lagu dagaalamay si ay u kala dhex galaan labada maleeshiyaad oo laga cabsi qabo inuu dib u qarxo.

Colaadda u dhexaysa labada beelood ee halkaas wada-dega ayaa soo noq-noqotay sannadihii u dambeeyay waxaana marar kala duwan buray heshiisyo hore loo dhex dhigay labadaan beelood.