DAAWO:-Meydadka Xubno katirsan Alshabaab oo Muqdisho lagu soo bandhigay

0
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa faah faahin ka bixisay Qarax ay ciidamada amniga ku fashiliyeen magaalada Muqdisho iyo labo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay bar koontarool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan.
Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo horay ula socday xogta Qaraxa ay fashiliyeen gaari Qarax oo la rabay in lagu waxyeeleeyo shacabka,wuxuuna dhagar qabanaha isku dayay inuu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran ciidamada ammaanka.