Akhriso:-Xisbi Siyaasadeedka Xisbiga Ileys Oo War Kasoo Saaray Doorashada Jubbaland

0

Xisbiga Ileys oo kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira uuna hogaamiyaha ka yahay Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray arrimaha Doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xisbiga Ileys ayaa dowladda usoo jeediyay arrimo kala duwan oo ku aadan Doorashada Jubbaland ee dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Xisbiga Ileys dowladda Federaalka booriyay in aysan faragelin ku sameeyn hanaanka Doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland,isla markaana ay tixgeliso habraaca Guddiga Doorashada Jubbaland ay dejiyeen.

Ugu dambeyntii Xisbiga Ileys oo kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya xusuusiyay in aan lagu jirin xiligii dhismaha dowlad Goboleedyada ay door ku laheyd dowladda.

Xisbiga Ilays