AKHRISO:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa waxaa ay gareen Magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruha hoggaaminayo ayaa waxaa cadaado kusoo dhaweeyay xildhibaanno mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Magalada Gaalkacyo waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Odayaasha & waxgaradka Magaaladaas, isaga oo kala hadli doona tabashada ay qabaan iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa manta tegay Magalada Cadaado,isaga oo doonayay in uu la kulmo Odayaasha Dhaqanka Magaaladaas,hayeeshee ay diideen inay la kulmaan, iyaga oo sheegay in balan hore uu uga baxay.