AKHRISO:- Odayaasha Dhaqanka Cadaado oo diiday inay la kulmaan Ra’iisul Wasaare Kheyre

0

Odayaasha dhaqanka degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in ay diideen in ay la kulman Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo saaka gaaray magaalada Cadaado.

Odayaasha ayaa diiday la kulanka ra’iisul wasaaraha ayaa waxa ay ku eedeeyeen ra’iisul wasaaraha in uu uga baxay balan hore oo ay sheegeen in lagaleen haatana aysan la kulmi doonin ilaa uu fuliyo balantii ay la galeen.

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la kulmay siyaasiyiinta ku sugan degmada Cadaado isagoo codsaday in la taageero qorshayaashii Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigisa ayaa ka baxay cadaado waxa ayna ku sii jeedaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug halkaas oo ka socoto soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa oo mudooyinkaan ku sugaa deegaanada Galmudug.