AKHRISO:- Al-Shabaab oo markale toogasho ku fuliyay 4 Ruux

0

Al-Shabaab ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa fagaaro ku yaalla degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay ku toogteen Afar ruux oo mid ka mid ah ay haweeney aheyd,waxaana dadkaasi saddex ka mid ah lagu eedeeyay inay la Sahqeynayeen Ciidamada Dowladda iyo dowladaha taageera.

Boqolaal ka mid ah Shacabka degmada Jamaame ayaa tegay goobta toogashada,kuwaas oo Al-Shabaab ay ku amreen inay goobta tagaan si ay u daawadaan,waxana dadlka la toogtay Magacyadooda lagu kala sheegay.

1: Sulaymaan Maxamed Saciid oo da’diisa lagu sheega 21 sana jir ayaa Al-Shabaab ku sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya ee ka howlgeli jiray Magalada Muqdisho & degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

2: Yariisoow Baaf Cusmaan (Maye) oo da’diisa lagu sheegay 68 jir ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu katirsanaa Maamulka degmada Diinsoor,isla markaana uu sigaar ah ula Shaqeyn jiray Ciidamada Itoobiya.

3: -Iqra Cabdi Aadan oo jirtay da’ada 20 ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen inay la Shaqeyn jirtay Sirdoonka dalka Kenya,isla markaana ay ka howlgeli jirtay Magalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

Ugu dambeyn Ninka Afaraad oo lagu Magacaabi jiray Nuur Bakar Diiroow ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu kufsaday gabar ka mid aheyd dadka deegaanka, isaga oo guur horay u soo maray,waxana goobta oo ay ku sugnaayeen boqolaal Ruux dhagax lagu dilay

Si kastaba Al-Shabaab ayaa Bishaan gudaheeda waxaa ay fagaarayaal ku yaalla deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose waxaa ay ka fuliyeen xukuno dil ah, iyada oo la toogtay 18 Ruux oo mid ka mid ah ay haweeney aheyd.