TOP NEWS:-Maamulka Puntland Oo War Kasoo Saaray Doorashooyinka Jubbaland Iyo Galmudug

0

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Warka soo saartay Doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan maamul Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Puntland ayaa waxa looga hadlay Go’aankii xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo looga hadlay habraaha Doorashada maamulka Jubbaland.

Puntland ayaa dowladda Federaalka uga digtay inay faragelin ku sameeyso Doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug,kuwaasi oo kala dhici doona Bishan July  iyo Bisha soo socota ee 2019,iyadoona dowladda labada Doorasho horey war uga soo saartay.

Sidoo kale maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka ku booriyay inay ixtiraamto dadka reer Jubbaland iyo Galmudug si ay u soo doortaan Madaxdooda si waafaqsan Shuruucda iyo Dastuurada u gaarka ah labada maamul Goboleed.