Maxkamada Ciidamada oo maanta xukun ku riday nin Hubka u kala gudbin jiray Al-Shabaab

0

Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun waxaa ay ku riday Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse, kaasi oo lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab,islamarkaana uu hubka u kala gudbin jiray.

Ilaa sedax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u  kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxaa  uuna u kala dhiibayay qeyba kamid ah Xaafada  Towfiiq oo joogaan shaqsiyaad kale oo ka tirsan Al-Shabaab,

Maxkamada ciidamada ayaa sheegtay in Maxamed markale laga soo qabtay Xaafadaha Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha, waxaana gacanta ku soo dhigay Ciidamada Amniga Eedeysanaha  isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu kuwaday  Boorsooyinka Xarragada.

Garsoorayaasha Maxkamada ayaa waxaa ay sheeegeen in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse lagu soo qabtay Laba Bistoolad, Sedax Qasnad iyo 23 Xabadood.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta waxaa uu ku dhawaaqay in Maxamed  Cabdullaahi  Maxamed  Muuse lagu xukumay Shan iyo Toban Sano oo xabsi Ciidan ah.

Sidoo kale Guddoomiye Shuute ayaa waxaa uu sheegay in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse  oo ku magac dheer (Xuseen Dheer) uu heysto Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan.