Markab Laga Leeyahay Iiraan Oo Shidaal Cayriin U Waday Dalka Syria Oo La Qabtay

0

Ciiddanka Badda ee British iyo Saraakiisha ku sugan Gibraltar oo ka mid ah Xuduudaha Britain ee ka baxsan Baddaha, kuna taalla Koonfurta dalka Spain waxay gacanta ku dhigeen Markab Booyadle nooca Supertanker, kaasi oo looga shakisan yahay inuu Shidaal cayriin u waday Wershad lagu sifeeyo shidaalka oo ku taalla  dalka Syria.

Ciiddanka Badda Britain iyo hay’addaha Xoojinta Sharciga ayaa la sheegay inay saacadihii hore ee saakayto gudaha u galeen Markabka, isla markaana ay la wareegeen Kontoroolka Markabka Booyadlaha.

Wasiirka Guud ee Xuduudaha dalka Gibraltar, Fabian Picardo waxa uu sheegay inay hayaan sabab ay ku rumeysan karaan inuu Markabkaasi shixnad shidaal cayriin u waday Wershadda Sifeynta Batroolka ee Banyas oo ku taalla gudaha dalka Syria.

“Waxaan qabanay Markabka iyo xamuulkii uu waday” ayuu yiri Fabian Picardo.

Markabka  Grace 1 waxaa la sheegay inuu watay calanka dalka Panama, sida laga soo xigtay Liiska Maraakiibta Ganacsiga ee  Shirkadda Sirdoonka Maraakiibta ee LLOYD,waxaana la rumeysan yahay in Markabka Booyadlaha uu waday Shidaal laga keenay dalka Iiraan.

Markabka la qabtay oo lagu magacaabo Grace 1 waxaa la sheegay inuu shidaalka u waday Wershada Sifeynta Shidaalka ee Banyaas ee dalka Syria.

Dhinaca kale, Hadal qoraal oo ka soo baxay dowladda Gibraltar  ayaa lagu sheegay in qabashadda Markabkaasi  ka dambeysay, kadib, markii ay ku xad-gudbeen Cunaqabataynta ay Dowladaha Midowga Europe saareen dalka Syria, isla markaana ay Maxkamadda Sare ee Gibraltar go’aan ka gaari doonto haddii Markabka la xayirayo iyo haddii uu sii wadanayo Safarkiisa.

Qoraalka waxaa lagu xusay in Wershadda Sifeynta ee Banyaas ee dalka Syria tahay hantida Shaqsiyaad ka mid ahDowladda  Syria oo ay Dowladaha Midogw Europe ee EU-da saareen cunaqabataynta.

Cunaqabataynta ay 28-ka waddan ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe  ee EU-da waxay cunaqabatayn ku soo rogeen dalka Syria dabayaaqadii sannadkii 2011-kii, waxayna cunaqabatayntaasi saamaysay 277 Saraakiil Suuryaan ah oo ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan Dowladda Syria oo door ku leh Tacadiyadda loo geystay dadka rayidka.

Cunaqabataynta EU-da waxa lagu xayiray hantida, shidaalka Syria, Maalgashiga iyo Hantida Bangiga Dhexe ee Syria u taalla Bangiyadda dalalka Midowga Europe.