TOP NEWS:-Madaxweyne Xaaf Oo War Cusub Ka Soo Saaray Doorashada Galmudug

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Axmed Ducaale Geelle ayaa markii u horreysay shaaciyay inuu ogolaaday in XFS, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ay hoggaamiso geeddi socodka arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka maamulkaasi.

War qoraal ah oo uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku sheegay in markii uu arkay qodobka 50aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka dowlad giboleedka Galmudug, baahida loo qabo in dadajiyo arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyo markii uu tixgeliyay xaaladda cakiran ee maamulkaasui uu go’aansaday in geeddi socodka doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta uu u wakiishay wasaaradda arrimaha Soomaaliya.