Ciidamo ka tirsan Puntland oo Ka baxay Jiida dagaalka Tukaraq ee gobolka Sool

0

Ciidamada Puntland ee ku sugan jiida Tukaraq  ee Gobolka Sool Qaarkood ayaa gadooday oo baneeyey goobihii ay ku sugnaayeen iyagoo saaka waaberigii Garowe lagu arkay ciidamo wata Gaadiid dagaal oo u gudbay dhinaca laac-dheere oo Garoowe ka xiga qorax u dhac .

Wararka laga helayo saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in gadoodka uu sababay mushahaarka ciidanka oo lacago laga jaray iyo xuquuqo kale oo ay tirsanayaan

Arintaan oo taagnayd maalmihii la soo dhaafay ayaan wax xal ah laga gaadhin taasi oo sababtay in ciidanka qaar furinta baneeyo.

Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa Mudooyinkii dambe isku Horfadhiyey Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool Halkaasi oo ay dagaalo horay ugu dhex mareen, Waxaana Horay Jiida dagaalka uga baxay Ciidamo markii hore ka  yimid Gobolka Mudug, kadib markii uu xilka baneeyay C.wali Cali Gaas.