CIIDAMADA XOOGA QARANKA SOOMAALIYEED OO SUGAAYA XUDUUDAHA DALKA DHAMAAN

0

Wasaarada Gaashandhiga dalka maraykanka oo xoojinaaya Wasaarada Gaashaan dhiga Soomaaliya.Dr Mark oo ah madaxa difaaca dalka maraykanka oo salaan sharaf ka qaadanaaya ciidamada ku sugan xerada xooga dalka maraykanka. Waxaa dalka soomaaliya uu galay dagaalo sokeeye sanadkii 1991dii. Tanoo keentay in uu burburo meeshana kabaxo ciidankii xooga dalka soomaaliyeed dhamaan qaybihiisii kala duwanaa.

Tan iyo xiligaa oo hada laga joogoo sodan sanadood ayaa,dadka soomaaliyeed isku dayeen in ay dib usoo ceshadaan hanaankii dawladnimo ee ay gacmahooda isga dumiyeen. dhawr madaxweyne oo soomaray tan iyo burburkii ayaan iyagu ku guulaysan in ay soo celiyaan haybadii difaaci lahayd qaranka soomaaliyeed oo ah xoogii dalka soomaaliya.

Dawlado farabadan oo u horeeyo Maraykanku ayaa isku dayay in ay kacaawiyaan dawladihii soomaray dalkeena soomaaliya dib u dhiskii xoogii dalka soomaaliyeed.in kastoo dawladaha dalka soomaray ay ahaayeen dawlado ku meel gaara,ayaa waxaa soomaaliya ubiladaw in laga saaro ku meel gaarnimadii xiligii la doortay dawladii xasan sheekh uu madaxweyne ka noqday 10.9.2012 oo soomaaliya loo aqoon saday dawlad rasmi ah oo kabaxday kumeel gaarkii.

Madaxweyne kasta oo soo qabtay talada dalka wuxuu codsanaayay,in dawladaha caalamku u aqoon sadaan dawlad rasmi ah soomaaliya kana qaadaan ku meel gaarnimada oo ay waxbadan uga xiran yihiin dalka soomaaliya in uu lugu hiisa ku istaago. Nasiib wanaag waa la aqbalay dalabkii u danbeeyay ee sheikh shariif hayeeshee waxa dhacay hungoow ay soomaaliya eeday caalamkana niyad jabisay kadib markii madaxweyne xasan sheekh iyo dawladiisii ay la timid musuqmaasuq xad kii dhaafay oo aan afrikada madaw horeba loogu arag.

Madaxweyne xasan sheikh wuxuu curyaamiyay dhisid ciidan qaran,oo aan ahayn ciidamo beeleedyo uun. waxaana dawladihii caalamku arkeen musuqmaasuq gaaray in dawlada maraykanka looga qaato lacag 10.000 toban kun oo askari oo been ah jirina halka inta joogtay ee ciidan beeladka ahaydna mushaharadoodii laga musuqmaasuqay oo aan waxba lasiin,taasoo horseeday in askari walbaa qorigiisa ku xoogsado oo dadwaynaha la dhaco.

Mudo dheer ayaa dunidu dulqaad muujisay ilaa ugu danbayn ay joojisay 2017 lacagihii lagu taaku laynaayay ciidanka xooga dalka soomaaliyeed. dhab ahaan taariikh xumada iyo hagardaamada boobka iyo dhaca sumcad xumada uu ugaystay dalka soomaaliyeed xasan sheikh waa mid taariikhda ay qorayso oo aan quluubta shacabka soomaaliyeed iyo jiilasha danbe kabaxayn. khasaaraha uu dalkeena baabasan ugaystay isagoo ka faa iidaysanaaya halka iyo sida uu yahay dalkeenu kaynu aaminay ayuu gaarsiiyay heer soomaaliba la aamini waayo oo dawlad waliba inaga cararto.

Mudo sanad ku dhaw ayaa aduun yadu eegaysay oo ay aamini la ayd dawladeena hada jirta,maxaayeelay waxa adunayda dhagahooda ka sii qaylinaaya dhawicii uu gaystay xasan sheekh oo ka dhigay soomaali wax bahalo ah oo xataa aan garanayn wadaniyad iska daaye aadamino! nin dadkiisii oo gaajo iyo colaad u dhimanaaya xoogaagii aduunku ugu deeqay jeebka gashaday iskulana quruxbadan oo sharaf u haysta!

Waxay ahayd 8.febaraayo 2017 markii illaahay u dhaliyay soomaali dawlad uu hogaanka u hayo Madaxweyne ah masuul,wadani, leh qab iyo hankii lagu yaqiin Soomaali.Madex weyne Farmaajo Wuxuu durba boodhka ka jafay ladagaalanka musuqmaasuqa, wuxuuna dhisay ciidan qaran oo leh tiro la yaqaan helana mushahar joogta ah. waxaa sidaas garabsocota dawlad isku duuban oo leh raysalwasaare ah wadani iyo gole wasiiro oo hufan. waxaa mudo yar caalamkii arkay hanaan dawladeed nidaam iyo kala danbayn,waxay u qaateen riyo iyo waxaan dhici karin in mudo yar soomaali sidaa samayso.

Waxay caalamku layaabay isku duubnida madaxda sare ee dalka oo isku dhaarsaday aaminsana in ay dalkooda sharafkiisa soo celiyaan oo ka qaadaan calankeena dhulka lagu tuuray iyo dadkeena soomaaliyeed ee la quursanaayo taasoo aan qaban soomaaliya. Markii la arkay dad damiir leh oo aan gadanayn dalkooda sidii xunkii ruux ahaan iyo jismi ahaanba u oo manaa doolarka ee dad iyo duunyaba xaaqay rag ka noocduwan oo qableh iyo sharaf dadkoodana u naxaaya ayaa dawladihii caalamku usoo dhawaadeen soomaaliya una soo kala baratameen in ay garab istaagaan soomaaliyana dhisaan xiriir fiicana layeeshaan wadankeena hodanka ah.

Waxaa dawladeenu ku guulaysatay taageero buuxda oo dawladnimo oo caalamka ah,dawlada maraykanku waxay ka taageeraysaa oo ay ku dhawaaqday dhismaha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed sibuuxda,qalab iyo dhaqaalaba. waxayna hubiyeen oo xaqiiqsadeen in dawlada soomaaliyeed ay tahay dawlad rasmi ah oo aamin ah.Mardhawna waxaa ciidanka xooga dalka soomaaliyeed sugayaa xuduudaha dalka soomaaliyeed oo dhan,bad iyo bari iyo cirba isagoo u dhan yahay qalabkoodii iyada oo uu hogaanka u hayo hogaamiyahooda madaxweyne Farmaajo. waxaa intaa dheer dawlada aan walaalaha nahay ee Turki oo dhisaysa cududii ciidan ee soomaaliya.Tani waxay sharaf u tahay shacabka soomaaliyeed dal iyo dibad dawlada soomaaliyeed iyo jiilasha danbe ee soomaaliyeed oo helaaya nabad iyo nolol iyo dalkooda oo leh dawladnimo iyo karaamo buuxda.

Waxaan maanta aragnaa caasimadeenii oo garoonkeenee caalamiga ah Adan cade ay kasoo dagayso diyaarada caanka ah ee QATAR AIRWAYS. Aduunkii oo dhanbaa hada imanaaya mogdisho oo usoo dalxiis tagaaya waa guulaha ay keentay dawladeenu iyo shacabkeenu oo isku duuban. madax fiican baynu helay markaa shacabka soomaaliyeed waa in ay noqdaan shacab fiican oo dalkiisa difaacda oo iska qabta afmiishaarka qabiiliste arga gixisada iyo kuwa mucaaradka iska dhigaaya ee shisheeyuhu ku shaqaystaan.

Mogdisho cadawgeedii waa jabay soomaalina way guulaysatay dalkeedana way ilaashan iyadoo gacmaha lays wada haysto oo layahay soomaali qura. wada jirka iyo soomaalinimada ayaan wax ku nahay qabiil waxba kuma noqon karayno. waad aragtaan maanta in dawladeenii galmudug ku taageerayso dhismo maamul rasmi ah iyo wada jir walaalnimo taasoo ah guul soomaaliyeed. waad aragtaan in dhalinyaradii suna waljamaaca iyo galmudug oo dhan nin kii raba la qoraayo ciidan qaran oo difaaca sharafka umada soomaaliyeed halkii uu qabiil iyo cadaw us haqayn lahaa.

dhalin yarada soomaaliyeed ha qortaan ciidanka xooga dalkana ha difaacaan.soomaaliya dawlad rasmi ah ayaa ka jirta oo ah dawlad inoo adeegaysa dawlad dalkeena dhisaysa dawlad rabta in aan noolaano helo sharaf iyo soomaalinimo. kursiga iyo maamulku waa meerto maanta kuwaa haya barina kuwo kalaa iman oo ah wiilasheena soomaaliyeed iyo gabdhaheena dalka inagaa leh kii yimaadaaba waa soomaali walaalkaa ah ku raac waxa dalka iyo dadka soomaaliyeed danta u ah. soomaalinimada ayaa ina deeqda kuligeen isku mid baynu nahay ehel wada dhashay ah oo soomaali layiraahdo iska diida kuwa qabyaalada wada ee cadawga ah.

Maanta illaahay wuxuu ina siiyay dawlad wanaagsan oo danteenu ku jirto aan xajisano kuligeen oo garbaha ka galo si dalkeenu u noqdo mid nabdoon oo xasiloon.wixii danbi iyo dhib inakala gaarayna aan iska cafino oo hore usocono, dadkeenuna walaalnimada iyo is cafinta waa ku fiicanahay hadaynu nahay soomaali. dawladiid ehelmaha waa cadaw isagu waa dil xal kale malaha. waxaan u mahad celinayaa illaahay oo soomaali isku duubay tawfiiq siiyay shacab iyo dawlad ul iyo diirkeed ah,wakaa maanta kenaya markaynu israacnay cabeedkeeda NEWYORK laga hurdiwaayay! waxayse moog tahay ayaabadan! waxayna u haysataa in aan iloobay NFD anoo ciilkaa qaba yaa ingiriis soo diray oo aybadaydii usoo xatooyo tagtay. waxay garan wayday ninkan cadaanka ah ee reer yurub bari waa kaa tagi ee dariskaaga ha colaysan marlabaad. gafuur buur in aan caq liba jirin horaan u ogaa. waxaan ka cod sanayaa shacabka wadaniyiinta ah ee MOGDISHO caasimadeena ku nool in ay sii laba jibaaraan bilicda magaalada oo ay dhiig isgaliyaan si Mogdisho ula tartanto caasimada aduunka ugana quruxbadnaato aan dhisano gurigeena walaalayaal soomaaliyeey yaan sugaynaa oo inoo dhisaaya?